U bood dhigaalka

Taariikhda Marxuum Cabdi Xaaji Maxamed Goobdoon

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa waabarigii hore ee saaka oo Talaado ah magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa rug cadaa saxaafadeed kadib markii uu ku soo booday xanuunka neef qabad-ka.

Cabdi Xaaji Goobdoon, Waxaa uu Taariikh nololeedkiisa uga sheekeeyay Cabdi  Casis Axmed Gurbiye, halkan ka akhriso Taariikhda Marxuumka.

Cabdi Xaaji Goobdoon waxaa uu ku dhashay magaalada Jigjiga 1938-dii, Aabihiin Xaaji Goobdoon waa Agaasimihii guud ee Waxbarshada ururkii SYL, Waxaa uu sidoo kale ahaa  Barnaamijka Diiniga ah 1951-1988-deedii.

Waxbarsho:

1956: Waxaa uu dhigtay Iskuul Carabi ah oo lagu Magacaabo SYL School.

1963: Waxaa uu dhigtay Dugsi sare SYL

1964: Waxaa uu Moscow u aaday Tababar isagoo ka shaqeeyay Laanta Afka Soomaaliga ee Radio Moscow.

1982: Waxaa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Umadda, Political Science

Shaqada:

1966: Waxaa uu ku biiray Radio Muqdishu.

1977: Waxaa uu ku noqday Moskow kadib markii ay isku dhaceen dowladda, Waxaa lagu eedeeyay Goobdoon in uu u hiiliyay doorashadii Cabdirashiid.

1971: Goobdoon waxaa u yeeray dowladdii Siyaad Baree, waxaa uu Madax ka noqday waaxda Tarjumaadda, Warfaafinta iyo Wargeyska.

1972-1982: Waxaa uu ahaa Wariyaha Madaxweynaha ee Tarjumaadda wararka iyo Wakaaladaha.

1982: Waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Warfaafinta.

1986: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Sportiga.

1989: Waxaa uu ka tagay Shaqada.

2006-2011: Afhayeenka dowladda

2015: La taliyaha Ra’isul Wasaaraha Arimaha Warfaafinta.

Siminaaro uu ka Qeyb galay:

1967: Radio Cairo.

1968: V.O.A 6 Bil oo Tababar ah.

Rai oo Talyaaniga ah iyo kuwoo kale. 

Maxaa lagu Xasuustaa:

1983: Isaga ayaa Keenay Sheenkh Aden Sheekh Cabdullahi in uu Tafsiirka akhriyo.

Isaga ayaa bilaabay in Salaadda Jimcaha si toos ah looga tabiyo Masjidka Isbaheysiga.

Barnaamijka Kadis ee ka Bixi Jiray Radio Muqdishu.

1983: Waxaa uu bilaabay heesihii Hirgalay oo markii ugu horeysay Fanka ka qeyb galeen dadka aqoon yahanka ah.

1982-1983: Waxaa uu aasaasay Kuliyadda Saxaafadda.

Xidigta Ocober oo 4 bog ah ayuu ka dhigay 8 Bog.

1982-1983: waxaa uu sameeyay T.V Qaranka isagoo ahaa Agaasimaha Wasaaradda, Waxaa uu ku guuleysay Warka oo Sawiro ah in uu Muqaal ka dhigo.

Isagaa Keenay Adinka Sheekh Khalig Al-Xusari ee ka baxa Radio Muqdishu.

2000: Waxaa uu aasaasay Wargeyska Dalka.

Waxaa uu leeyahay xaas iyo caruur.

Waxaa uu qabaa:

In Saxaafadda Hagitaan u baahan tahay.

In Afka Hooyo loo Hiiliyo.

Afkeena waxaa uu leeyaay Suugaan Hodan ah, taas oo keentay in uu jiro xili aanu qorneen Afka.

Waxaa Shahaado siiyay Pen

Taariikhdaan waxa aynu ka qornay Marxuumka kahor inta aanu geeriyoon, fadlan ilaali xuquuqda qoraalkan.

Goobjoog News