U bood dhigaalka

Xasan Cali Kheyre

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa saaka ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali  Kheyre.

Kheyre,  waa Soomaali heysta dhalashada dalka Norway, waxaa uu u dhashay Hawiye, Murusade, waxaa uu muddo dheer ka shaqeeyay dalka Norway.

Mudane Xasan Cali Kheyre, xilligan waa agaasimaha bariga Afrika shirkadda Ingiriiska ah ee Soma Oil and Gas, jagadaas uu hayey tan iyo 2013-kii, isla shirkaddaas waxaa uu ka mid yahay dadka ku leh saamiyada oo waxaa la qiyaasaa saamigiisa 1.1% oo u dhiganta 2 Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Mudane Cali Kheyre, dad  muddo badan la shaqeeyay waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in uu yahay NGO-te, yaqaano gorgortanka iyo sida heshiisyada loo kala tuuro, xitaa marka uu wasaaradda Petroolka ku soo biiray, waxaa uu marar badan qaban jiray shaqada wasiirka.

Ra’isul Wasaaraha la magacaabay, inta aan loo dhiibin xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa uu muddo ahaa agaasimaha bariga Afrika ee  Norwegian Refugee Council.

Xasan Kheyre waxaa jagooyinka uu soo qabtay ka mid ahaa isagoo madax ka noqday  Soma Management Ltd, waxaa uu lataliye iyo xiriir soke la lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.

February 17, 2016: UN Monitoring Group ayaa soo saaray warqad ay ku dalbanayaan in la baaro Xasan Kheyre  dhaq-dhaqaadiisa xagga cashuuraha, lacagaha ugu jira Bangiyada, iyo credit cards-kiisa, iyagoo ku eedeeyay in ay ku tuhmayaan in uu xiriir la leeyhay kooxo ay ka mid tahay Xarakada Al-shabaab.

June, 9, 2016: Warqad ay heshay Goobjoog News, waxaa ay UN monitoring ku bari yeeleen Xasan Kheyre in uu wax xiriir ah la leeyahay kooxaha loogu yeero argigixisada.

Muddadii uu madaxda ka ahaa xafiiska Muqdisho ee Soma Oil and Gas, waxaa shirkaddaas lagu eedeeyay musuq iyo heshiisyo been-abuur ah.

Tusaale ahaan:

August 1, 2015: Xafiiska baarista dambiyada halista ah ee dalka Ingiriiska ayaa shaaciyey in la furey gal dacwadeed ka dhan ah shirkadda shidaalka ka baarta Soomaaliya ee Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska.

August 6, 2013 : Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda Soma Oil and Gas , oo ah shirkad markaas uun la sameeyey oo laga leeyahay dalka Ingiriiska , hawsha ay qabanayso shirkada waa uruurinta macluumaad la xiriira keydka shidaalka ee badda Soomaaliya.