U bood dhigaalka

Taariikhda Siyaasadeed  Ee Axmed Madoobe(Akhriso)

Sheeko:Dalka

Sheekh Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ku soo caan baxay Xiligii Maxaakiimta Islaamiga 2005/2006-dii, Madoobe waxaa uu ahaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolada Jubbooyinka, waxaa sidoo kale la shaqeyn jiray Afhayeenka maxkamadaha Jubbooyinka sheekh Ibraahin Shukri iyo  Sheekh Ismaaciil Caraale.

Markii Maxakiimtii laga saaray Kismaayo, Waxaa uu saldhig ka dhigtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo halkaas la joogay  garab hubeysan oo lagu magacaabi jiray Raas Kambooni, Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Raas Kambooni, kooxdan ayaa qeyb ka ahaa ururka Xibsul Islaam.

Axmed Madoobe, waxaa uu dagaal kula jiray xilligaas dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Xitaa Mareykanka, mid ka mid ah dagaalladaas ayuu ku dhaawacmay kadibna waxaa lagu daweeyay dalka Itoobiya.

Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale la dagaallay Al-shabaab, Sheekh Xasan Turki oo ay xulufo soke ahaayeen waxaa uu taageeray Al-shabaab balse Madoobe ciidamadiisa ayuu kala baxay Kismaayo, isagoo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galay Al-shabaab.

Intii uu socday dagaal-ka Madoobe iyo Al-shabaab, waxba   isuma reeban labada dhinac, Al-shabaab waxaa ay ku eedeysay Madoobe in uu Itoobiya garab ka helo, Xisbigii uu ka tirsanaa Madoobe ee Xisbul Islaam waxay ku biireen Al-shabaab, Axmed waxaa uu xulafo la noqday Ahlu-sunna iyo dowladda Soomaaliya.

Muddo markii uu socday dagaalka Madoobe iyo Al-shabaab,  waxaa dagaalka soo gashay Kenya iyo Gen. Gaandi oo  bishii April 2011 isaga iyo ciidamo uu hogaaminaayo oo garab weyn ka helay Militariga Kenya ay  Kismaayo ka qabsadeen Al-Shabaab, kadib dagaal muddo dheer qaatay oo laga soo waday Badda iyo Barriga, Gandi ayaa horkacayey maamul loogu magac daray AZANIA, oo ka talinayey Jubbooyinka 2011-dii ilaa 2013-kii

Axmed Modoobe, waxaa uu meesha ka saaray AZANIA isagoo dhisay Jubbaland, Maamulka hadda loo yaqaano Jubaland  waxaa la dhisay 15-may 2013, kadib 500 oo ergo ah isugu yimaadeen magaalo madaxda Jubada Hoose ee Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Madoobe waxaa uu aqoonsi ka helay dowladda Federaalka ee Soomaaliy, Bishii Augusto 2013-ka Dowladda iyo Maamulka Jubaland ee Madoobe ayaa heshiis ku gaaray magaalada Adis Ababa, Waxaa labada wafdi kala hogaaminayey Madoobe oo Jubaland ah iyo Faarax Sheekh C/qadir oo wakiil ka ahaa Dowladda Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe Waxaa uu siyaasad uga adkaaday Barre Hiiraale, Barre  waxaa uu Kismaayo kala wareegay Gen. Moorgan bishii June, 1999, Maxaakiimtii ayaa ka qabsaday kadib dib ayuu u qabsaday, lakiin qisadaas waxaa soo afjaray Sheekh Axmed oo Barre iyo Ciidankiisa dibadda uga saaray magaalada waxyar kadib doorashadiisii, ugu dambeyntii Barre Hiiraale waxaa uu ku qancay heshiis ay dowladda soo bandhingtay kana shaqeeyay Faarax Sheekh August 29, 2014, Labo maalin kadib heshiiskaas Barre waxaa uu yimid Xamar, ilaa iyo hadda juuq lagama maqal!

Modoobe bishii March 9, 2015, waxaa uu Kismaayo ka furay Shir lagu sameynayo baarlamaan ay yeelato Jubbaland iyadoo May 7, 2015 Madaxweynaha, wasiirka arimaha dibadda Kenya, Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Qaramada Midoobey ayaa ka qeyb galay xafladda Caleemo saarka Gudoonka Baarlamaanka ee Jubbaland, Baarlamaanka Federaalka oo xitaa sharci darro ku tilmaamay dheg jalaq uma siin Madoobe!!

Axmed Madoobe, Waxaa uu gobolka kusoo xiray dowlado iyo dad muhiim ah sida:- Dowladaha Itoobiya iyo Kenya, Maamulka Cabdiwali Gaas, danjire Nicholas Kay, Maxamed Cabdi Afeey, bankiga Islaamka, Dowladdda Imaaraadka iyo dowladda Federaalka oo Madaxweynaha, Wasiirka Koobaad, Wasiirada, Xildhibaanada iyo xitaa Ciidanka ay u noqotay goob ay jecel yihiin tagisteeda!

 Madoobe, waxaa uu saaxiib siyaasadeed la sameystay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyagoo isku aragto ka noqday aringa Hiigsiga 2016-ka iyagoo qaadacay shir ka dhacay Muqdishu 29-ka illaa 30-ka July 2015-ka.

August 15, 2015: Baarlamaanka Jubbaland ayaa si aqlabiyad ku doortay Axmed Madoobe in uu noqdo Madaxweynaha Jubbland 4-ta sano ee soo socota.

Goobjoog News