U bood dhigaalka

Tababar Ku Sabaabsan Xanaaneynta Xoolaha Oo Maanta Lagu Soo Gaba Gabeeyay Magaalada Boosaaso (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BoosaasoMagaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maanta lagu soo gaba gabaayey Tababar loo qabanayay 20 qof oo ka kala yimid qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Bari.

Tababarkaan ayaa ku aadanaa habka loo daweeyo xoolaha iyo sidoo kale kala war qaadashada kiisaska la xiriira cudurada ku dhaca xoolaha.

Tababarkaan waxaa qabanayay mas’uuliyiin ka socday wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland, iyadoo dadka loo qabanayay laga kala keenay degmooyinka kala ah Bandarbayla, Baargaal, Bellidhidig, Isku- shuban iyo degmada Rako-raaxo.

Munaasabadda soo xiritaanka tababarkaan waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha gobalka Bari Cabdisalaan Maxamed Gallan iyo xubno kale, waxaana ay kula dar daarmeen dadkii tababarkaan qaatay in bulshada ay usii faa’ideeyaan.

Mas’uuliyiin u hadashay wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ayaa sheegay in tababarkaan ay ugu tala galeen sidii xilli walba looga warqabi lahaa xaaladda caafimaad ee xoolaha, islamarkaana dadka ay baran lahaayeen hadii xoolaha ay xanuun qabaan iyo in kale.

Dhanka kale Cabdisalaan Maxamed Gallan oo ah gudoomiyaha gobalka Bari ayaa dhankiisa uga mahad celiyay wasaaradda Xanaanada xoolaha Puntland iyo tababarkaan ay sameeyeen, waxaana uu dhinaca kale sheegay in qaar ka mid ah wasaaradaha maamulka Puntland ay yihiin kuwo aan soo dhaafin magaalada Garoowe.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News