U bood dhigaalka

Tababar Loo Furay Ciidamo Ka Tirsan Booliiska Maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay oo ay gaareen saraakiil ka socotay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa waxay tababar u fureen ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Koonfur Galbeed.

Tababarkan ayaa  qayb ka ah dadaal Dowladda Federaalka ay ku doonayso  dib u dhis  in ay ku samayso Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka.

Ciidamadaan tababarka loo furay ayaa gaaraya Laba Boqol oo askari kuwaas oo  ku  biiri doono marka la tababaro Ciidamada Booliiska Maamulka  Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Booliiska ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamadaan markii ay tababarka dhameystaan la geyn doono deegaanno kala duwan oo maamulkaasi ka taliyo si ay u sugaan amniga.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamo badan oo maalmihii ugu dambeeyay loo tababarayay maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News