U bood dhigaalka

Tababar Muqdiho looga furay guddoomiyaasha degmooyinka Banaadir

Sheeko:War

DSCF2243

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta siminaar lagu baranayo maamulka, sida loo xoojin karo Aminiga iyo soo uruurinta daqliyada u furay 17ka guddoomiye degmo ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka oo ugu horeyn goobta hadal ka jeediyay ayaa Wasiirka uga mahadceliyey sida howl karnimada leh uu uga aqblay in uu magacaabo dhalinyaro aqoon yahaniin ah, kuwaas ku dhiiran kara in ay wax muuqda ka qabtaan xaalaada ka jirto caasimada Soomaaliya,

“Mudane Wasiir waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaasgan oo qalinkaada ugu hiilisay dhalinyarada aqoonta leh, waana hubaa inay isbadal muuqda ay la imaan doonaan”.ayuu Muungaab hadalkiisa ku daray.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa gudoomiyaasha kula dardaaramay in mas’uliyadda loo dhibay u gutaan si waafaqsan sharciga, ayna ka faa’iideystaan siminaaarkan, isagoo ku booriyay in guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka ay noqdaan farsamayaqaano furi kara wax walba oo hormar u ah caasimada Soomaaliya .

Ugu dambeytii siminaarkan ayaa socon doonaa laga bilaabo maanta oo taarrikhdu tahay 13 ilaa laga gaaro 17ka bishan.

Wararka Goobjoog news