U bood dhigaalka

Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Soomaali Oo Lagu Xiray Masar

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa xabsiga u taxaabay muhaajiriin badan oo ay ku jiraan Soomaaali kuwaasi oo qaab tahriib ah dalkaasi uga baxayey.

Saraakiisha Booliiska Masar ayaa xaqiijiyey in waqooyiga dalkaasi ay ku qabteen Doon ay saarnaayeen 170 qof oo 40 ka mid ah Soomaaali yihiin kuwaasi oo doonayey iney dalalka Yurub u tahriibaan.

Dadka la qabtay ayaa u kala dhashay dalalka Soomaaaliya, Syria, Eretria, Sudan iyo Ethiopia.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in dadka haysta kaararka qaxootiga ah ee Qaramada Midoobay lasii deyn doono halka kuwa kalena dalalkooda dib loogu celinayo.

Dalka Masar waxaa muddooyinkaan dambe noqday marin ay ku safraan dadka tahriibayaasha ah ee doonaaya inay aadaan dalalka Yurub.

Goobjoog News