U bood dhigaalka

Tahriibayaal Ay Soomaali Ku Jiraan Oo Laga Badbaadiyay Xeebaha Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Ciidamada badda Talyaaniga waxaa ay sheegayaan in ay badbaadiyeen ilaa 6500 oo muhaajiriin ah kuwaas oo ku dhex jira badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Afrika iyo Yurub.

Dadkan ayaa la sheegayaa in ay wateen Doomo aan lagu kalsoonaan Karin, iyagoo rajo ka qabay in lagu soo baxo ayaa u badnaa dalalka Soomaaliya  iyo Eritrea.

Iilaa 106000 ayaa sanakan gaaray dalka Talyaaniga halka ay ku dhinteen 2726 ayaa ku dhintay sida ay sheegtay wakaalad hijrada qaabilsan.

In ka badan 275000 ayaa ku sugan dalka Talyaaniga iyaga oo sugaya in ay u gudbaan dhanka Yurub.

Goobjoog News