U bood dhigaalka

Tahriibayaal Doon Kula Degtay Badda u Dhaxeysa Liibiya Iyo Talyaaniga

Sheeko:Dalka

Doon ay la socdeen tahriibayaal Afrikaan ah ayaa ku degtay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey 8 qof ayaa ku geeriyootey halkaasi, waxaana lasoo badbaadiyey 84 kale, halka dad aan tiradooda weli la shaacin la la’yahay.

Maraakiib laga leeyahay Talyaaniga ayaa wada baadi goobka ku aadan dadkan la layahay, oo markii horeba tahriib ahaan  uga soo baxay dalka Liibiya.

Dadkan tahriibayaasha ah oo ka kala taga dalal badan oo Afrikaan ah ayaa badi raadiya nolol dhaanta mid ka duwan midda ay ku nool yihiin, waxayna naftooda ku halligaan badda si ay u tagaan Yurub.

Goobjoog News