U bood dhigaalka

Tahriibayaal Ku Xirnaa Liibiya Oo La Keenay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ay soo cago dhigatay diyaarad ay la socdeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayey xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Muwaadiniinta la keenay ayaa tiradoodu waxay gaareysaa 13, waxaana ku jirta Hal gabar, iyadoo xubno ka tirsan dowladda federaalka ay kusoo dhoweynayaan  garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa soo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, kadib markii ay dowladda federaalka tagtay xabsiyada lagu hayo dadkan, si dalkooda loo keeno.

Waxaa jira tahriibayaal kale oo weli xiran, kuwaasi oo ka diiday dowladda federaalka in dalka dib loogu soo celiyo, taasi bedelkeedana waxaa ay dalbeed in Yurub loo qaado.

Waa kooxdii Saddexaad ee ay dowladda federaalka ka keento dalka Liibiya, waxayna wadarta guud dadka la keenay gaarayaan 37 qof.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News