U bood dhigaalka

Tahriibayaal Lagu Weerarey Badda Liibiya

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin ciidamada dalka Liibiya islamarkaana watey doon dheereysa ayaa weerar ku qaadey Tahriibayaal saarnaa doon ka sameysan Caag, kuwaasi oo ka baxay Liibiya kuna socday Talyaaniga.

Tahriibiyaashan ayaa tiradooda waxay gaareysaa 150 qof, waxaana la sheegay in raggan hubeysan ay dadkii ku billaabeen iney rasaas ku ridaan, sidoo kalena ay ul la dhacaan.

Waxaa la xaqiijiyey in goobta ay ku dhinteen 4 qof, sidoo kalena la la’yahay qaar kamid ah dadkii doonta saarnaa, kadib markii ay isku dayeen in naftooda ay la baxsadaan.

Hay’adda lagu magacaabo Sea Watch ayaa dadkaasi u dirtay maraakiib badbaadiya, waxaana lasoo badbaadiyey 120 qof, waxaana la helay Meydadka 4 ruux balse inta kale dadkaasi waa la la’yahay.

Saraakiil u hadashay ciidanka Liibiya ayaa iska fogeeyey in ciidankooda ay weerarkaasi ku fuliyeen tahriibayaashaasi, balse baaritaan ay sameyn doonaan.

Illaa hadda lama shaacin dalalka ay u kala dhasheen tahriibayaashan, balse Tahriibayaal badan ayaa sidan oo kale dhibaato kula kulmay dalka Liibiya iyo sidoo kale badda dalkaasi marka ay doonayaan iney halkaasi uga sii tahriibaan dalka Talyaaniga.

Goobjoog News