U bood dhigaalka

Tahriibayaal Meydkooda Laga Helay Liibiya

Sheeko:Dalka

Waxaa Axaddii dalka Liibiya ku soo caariyay ilaa 41 meyd oo ka mid ahaa dad la rumeysan yahay in ay u tahriibayeen badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga.

In ka badan 10 Kun ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka wixii ka dambeeyay 2014-kii, arrintaas oo caqabad ku ah aadanaha, sidaa waxaa xaqiijiyay hey’adaha UNka.

150 Hoggaamiye oo caalamka ayaa lagu wadaa in UNka isugu tagaan bisha September, waxaa looga hadli doonaa dhibaatada qaxootiga sidii lagu xakameyn lahaa.

November 2015-kii wixii ka dambeeyay, Xoghayaha guud ee UNka Ban Ki-moon waxaa uu dalalka ugu yeeray inay wax ka qabtaan Tahriibka laakiin sida muuqata dheg jalaq looma siin.

Goobjoog News