U bood dhigaalka

Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Lagu Xiray Masar

Sheeko:Dalka

Ciidamada dalka Masar ayaa xabsiga dhigay Tahriibayaal Soomaaliyeed, kuwaasi oo la sheegay in la qabtay xilli ay tahriib ahaayeen.

Dadkaan ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 120 qof, waxaana la qabtay dadkaan oo doon saarnaa, ka dib markii doon sidaan oo kale Tahriib ahayd ay ku dhinteen Seddax ruux.

Cabdicasiis Khaasim oo mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Masar ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan hadda xabisaga lagu hayo, islamarkaana saraakiisha amniga aysan wax war ah kasoo saarin.

Dhinaca kale waxaa dalka Masar ku xiran muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo illaa iyo haatan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaana la qabtay xilli ay tahriib ahaayeen.

Goobjoog News