U bood dhigaalka

Tahriibayaal Soomaaliyeed Oo Ku Dhintey Badda u Dhaxeysa Yemen Iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in ay degtay doon ay la socdeen Tahriibayaal u badan muwaadiniin Soomaaliyeed, iyadoo warar horudhac ah laga helayo khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhalatay.

Maxamed Jeylaani oo ah wariye Madaxbanaan kuna sugan magaalada Sanca ee Yemen ayaa soo sheegaya in doonidan degtay ay ku dhinteen 10 qof oo Soomaali ah.

Sidoo kale, waxaa lasoo badbaadiyey dad kale oo tiro ahaan aan la shaacin balse isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo sidoo kale Eretria.

Jeylaani ayaa dhanka kale sheegay in la baadigoobayo dad kale oo nolol iyo geeri lagu la yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News