U bood dhigaalka

Tahriibayaal u Badan Itoobiyaan Oo Buux Dhaafiyey Deegaannada Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in deegaannada maamulkaasi uu ka arrimiyo ay soo buux dhaafiyeen dad badan oo tahriibayaal ah walibana u badan Itoobiyaan, kuwaasi oo doonaya iney ka tahriibaan deegaannada maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi C/xakiin C/laahi  Cumar Camey ayaa sheegay in ay ka war hayaan dadkaan, islaamrkaana maalin walbo soo galaya deegaannadooda, wuxuuna hoosta ka xariiqey ineysan awoodin daryeelkooda iyo la socodka xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay iney la socdaan dad Soomaaliyeed oo iyaguna deegaannada Puntland u tagey iney ka dhoofaan, ama ka tahriibaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Umaddii Soomaaliyeed iyo dowladaha deriska nahay oo Itoobiya ugu badan tahay waxay dadkeedii dhooban yihiin Puntland, waxayna ku socdaan iney ka dhoofaan oo meello kale uga sii gudbaan, ama tahriibaan, dowladda Puntland ma awooddo daryeelkooda, marka waxaan arbnaa in aduunka uu arrintaasi dib u eego” ayuu yiri Cameey.

Inta badan dadka Itoobiyaanka ah ee taga deegannada Puntland ayaa u baxa iney u tahriibaan dalka Yemen, waxayna dadkaasi badi ku sugan yihiin deegaannada gobolka Bari.

Goobjoog News