U bood dhigaalka

Tahriibayaal u Badan Soomaali Oo Lagu Qabtay Yemen

Sheeko:Dalka

Doon siddey 160 qof, islamarkaana ka baxday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa lagu qabtay xeebaha dalka Yemen.

Saraakiil Yemen ah iyo hoggaamiyeyaal dhaqameed ayaa sheegay in la qabtay doonidan oo 100 ka mid ah dadkan ay yihiin Soomaali.

Saraakiil u hadashay dowladda Yemen ayaa sheegay in dadkan ay u badna yihiin Haween iyo Carruur, islamarkaana hadda baaritaanno dheeraad lagu hayo.

Doonidan ayeey sheegeen saraakiishan iney ka shiraacatay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Maamulka gobolka Sabwa ee Doonidan lagu qabtay ayaa sheegaya in dadka hadda la geeyey meel u gaar ah oo xaaladooda lagu ogaanayo, laguna sii baarayo.

Yemen oo dagaallo ay u socdaan ayaa hadana waxaa bil walba halkaasi si dhuumasho ah ku gala Boqolaal qof oo Soomaali iyo Itoobiyaan u badan.

Goobjoog News