U bood dhigaalka

Tahriibka: 100 Qof Oo Lagu La’yahay Badda Mediterranean-ka 

Sheeko:Dalka

Waxaa la weysanyahay tobannaan muhaajiriin ah kuwaasi oo marayey badda dhexe (The Mediterranean Sea) kadib markii ay ku mashoodeen doon caag ahedy oo ay saarnaayeen.

Doontaan ay saarnaayeen dadkaan muhaajiriinta ah ayaa waxay ku socotay dhanka xeebaha Libya, waxaana jirta cabsi ah inay dadkaan ay ku dhinteen badda.

Ciidamada ilaalada xeebaha Libya ayaa sheegay in 90-100 oo muhaajiriin ah la weysanyahay xilli 300 oo qof laga soo saaray saddex doomood oo ay saarnaayeen dadkaan ayaa waxay dhibaatooyin ay kala kulmeen badda gudaheeda.

Dadka qaar oo badbaaday ayaa sheegay in saacado ay ku qaateen biyaha dhexdooda ka hor inta aan la soo badbaadin.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta ka sameysneyd  cinjirka ay waday in ka badan 100 qof ka hor inta aysan biyaha ku maashoon, afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha Libya oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim ayaa sheegay inay badbaadiyeen 17 qof oo kaliya ayna ku jiraan haween.

Goobjoog News