U bood dhigaalka

Taliban Oo La Wareegtay Xero Ciidan

Sheeko:Caalamka

Dhaqdhaqaaqa Taliban ayaa la wareegay saacadihii ugu dameeyay Xero Ciidan oo ay leeyihiin Ciidamada Afghanistan taasi oo ku taallo gobolka Faryab Province ee Waqooyiga dalka.

Afhayeen u hadlay Guutada 209 ee ciidamada Afghanistan laguna Magacaabo Xaniif Ridaa in hubeysanayaasha Taliban ay xerada ku soo weerareen hubka culus ka dibna ay la wareegeen.

Waxaa uu sheegay in Xerada ay ku jireen Ciidamo gaaraya 70 Askari, waxaa ayna u geysteen dil iyaga oo dhaawacay in ka badan 20 askari halka inta kalana ay qafaasheen .

Halka ay Taliban ay ku sheegtay war ay ku baahisay baraha bulshada in tirada Ciidamada ee ku sugnaa xerada ay ka badnaayeen in la sheegay.

Taliban waxaa ay sheegatay in ay weerarka ku dishay 43 askari, halka ay dhaawacday 17, waxaa ayna qafaalatay 57 kale.

Goobjoog News