U bood dhigaalka

Taliska AMISOM Ee Hiiraan Oo Dacwo Ka Ah Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Aan Ka Tirsaneyn Taliskooda

Sheeko:Dalka

Taliska AMISOM ee gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Itoobiya, islamarkaana aan ka mid ahayn howlgalkooda, kuwaa oo dhawaan faarujiyay deegaanno laga qabsaday Al-shabaab.

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Afrika ee gobalada dhexe Soomaaliya Korneel Cabdiraxmaan Cabdow Dhimbil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in ay dib uga soo baxaan ciidamada deegaanada Halgan, Gerisyaani, Booco iyo Bu’aqable oo dhaca bariga iyo galbeedka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada marka hore qabsaday deegaanadaasi aysan ka tirsaneyn AMISOM, ayna ka amar qaataan dowladda Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay Taliyaha in ay dib u qabsan doonaan deegaanadaasi soo faarujiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

“Tegidda waxay ahayd howlgal aan AMISOM ahayn, waa la tagay, anaga howlgalkii Labaad waxa uu ahaa dariiq furista illaa jalalaqsi, ciidankaan wey sii socdeen anagane waan isa sii raacnay, habeen madow waan baxeynaa ayeey dhaheen, laakiinse anaga ma hayn ciidan ku filan oo deegaanadaasi sii jooga, sidaasi ayaa keentay in aynu dib usoo laabanno, waxaana amar ay kasoo qaadanayeen Addis Ababa, su’aasha meesha taalla waxa ay tahay ciidanka aan AMISOM ahayn maxay dalkii ka qabanayaa, hadii ay AMISOM la shaqeynayaa waa wanaag, hadii qalad kale u joogaanna dowladda Soomaaliya ayaa su’aasheeda laga rabaa, anaga howlgalkeena waxaan sugeynaa qalab inaga maqan oo dhawaan inoo imaan doona, walibana anaga oo AMISOM iyo ciidanka Soomaaliyeed nala socdaan baa ku baxayna” ayuu yiri Taliyaha

Sidoo kale Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee gobalada dhexe ayaa sheegay in ka AMISOM ahaan ay ka tashan doonaan ciidamadaan Itoobiya ee aan howlgalka AMISOM ka tirsaneyn.

Dhinaca kale saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay deegaannada ka midka ah gobalka Hiiraan ayaan weli sheegin sababta ka dambeysa in deegaanadaasi ay soo faarujiyaan.

Goobjoog News