U bood dhigaalka

Taliska AMISOM oo fariisimo cusub ka sameystay Jowhar

Sheeko:War
????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ka socda dowladda Uganda.

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM oo xarumo mileteri ka sameystay duleedyada iyo bartamaha Magaalada Jowhar ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq ciidan oo la sheegay in looga hor tagayo weerarada hubeysan ee kaga imaanaya xarakada Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in Taliska Ciidamada AMISOM uu fariisimo Cusub ka sameystay daafaha iyo bartamaha magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ,halkaasi oo todobaadkan ay weerar hubeysan gudaha ugu soo galeen dagaaliyahanno ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

16-kii July ee bishan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan Jowhar, iyagoo dhex galay xafiisyo ka mid ah kuwa maamulka degmada Jowhar.

Wariyaha Goobjoog FM uga soo warama Jowhar Aadan Xuseen Daa’uud ayaa sheegay ujeedka AMISOM ay ka leeyihiin fariisimahan ay tahay inay is hor istaag ku sameeyaan weerarada laga yaabo in degmada ay ku qaadaan xarakada Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa looga bartay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Mahadaay oo u dhow degmada Jowhar.