U bood dhigaalka

Taliska AMISOM oo ka war bixiyay howlgallo ay fuliyeen

Sheeko:War
Xumad-6
Afhayeenka AMISOM, Cali Aadan Xumad

Taliska AMISOM ayaa maanta sheegay in ay   ku guulaysteen ka hortagista dilal magaalada Muqdisho ay ka fulin lahaayeen rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornayl Cali Aadan Xumud ayaa Maanta oo Arbaca ah Saxaafada u sheegay in ciidamada nabad sugidda iyo kuwa AMISOM ay xaqijiyeen sida uu yiri ammaanka magaalada.

Mar dagaalada ka aloosan gobolka Hiiraan uu ka hadlayay Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay in diyaar ay u yihiin ka qayb galka dadaal kasta oo lagu xallinayo maleeshiyada ku wada sugan deegaanka Deefow.

Kornayl Cali Xaamud Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa ugu dambeyntii tilmaamay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay gar gaar isugu jirta Raashin iyo daawooyin gaarsiiyeen tuulooyin hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu ku tilmaamay inay ka mid ahayd meelihii ay Shabaabku go’doomiyeen.

Wararka Goobjoog news