U bood dhigaalka

Taliska AMISOM Oo Qiray In Askari Ka Tirsan Ciidankooda Uu Dilay Wiil 14-sano Jir Ah

Sheeko:Dalka

Taliska AMISOM ayaa qiray in askari ka tirsan Ciidamadooda uu dil u gaystay shalay wiil 14sano jira ah oo  kubad ku  cayaarayay Garoonka Kubada Cagta ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM korneel Paul Njuguna oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in baaritaan ay ku hayaan qaabka uu u dhacay dilka askariga u gaystay wiilka yar.

Illaa hadda macluumaadka uu hayo ayuu ku sheegay in ay tahay kaliya in wiilka yar loo sheegay inuu ku cararay difaacyada AMISOM, islamarkaana askariga dilka geystay uu mooday qatar kusoo wajahan, sidaasna uu ku dilay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Macluumaadka aan hayo hadda waxay sheegayaan in shaly maqribkii uu qof usoo orday dhinca difaacaydda ciidanka , ka dibna askri meesha ka dhawaa, ayaa waxa uu u qaatay in ay khatar kusoo socoto, laakiin waxaan ogahay in ninkaas la dilay, ilaa hadana macluumaad dheeraad ah ayaa raadinaynaa” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaan weydiinna waxa ka jira in canugga oo kubad ciyaarayay ay meel agtooda ah kunbadda kusoo dhacday, islamarkaana uu doontay, mid ka mid ah ciidamadii meesha joogay uu canuga usoo celiyay Kubaddiisa balse Askari kale uu canugii dilay.

“Waxaan raadineyno waa macluumaadka saxda ah, waana muhiim in xogta ehlada ay sheegayaan ay si rasmi ah u helno, tan kale waxaa la ii sheegay saaka in qeybta AMISOM u qaabilsan waxyeelada loo geysto shacabka la gaarsiiyay fariintaas, waa arrin muhiim ah oo shacabka Soomaaliyeed sameeyeen” ayuu yiri Afhayeenka.

Ugu dambeyn Afhayeenka AMISOM korneel Paul Njuguna ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka ahayn in dhibaato loo geysto dad shacab ah, islamarkaana wax walba la kala cadeyn doono baaritaanka ka dib.

“Waxaan rabaa in aan kuu cadeeyo in AMISOM aysan marnaba Raali ka noqon doonin in dad shacab ah si qayro mas’uuliyadnimo ah loo dilo ama sababo kale, AMISOM ma ogolaaneyso in ay saas wax u  dhacaan, sidaa daraadeed arinta mas’uuliyad ayaan iska saaraynaa, baaritaanna waan bilaabaynaa…. Waxaan furnay website ay dadku noogu soo gudbin karaan cabashooyinka iyo macluumaadka ku aadan dadka laga dilay hadda waa furanyahay macluumaadna waa lagu soo diri karaa”

Askar ka tirsan AMISOM ayaa dhowr jeer oo sii horeysay waxay dileen dad shacab ah, iyadoo badi aanay jirin magdhaw ay ka bixiyeen dadkii ay dileen.

Goobjoog News