U bood dhigaalka

Taliska Booliiska B/weyne Oo Ka Warbixiyey Howlagllo Ay Sameeyeen

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi.

Korneel Isaaq Cali Cabdulle, taliyaha qeybta Booliiska ee B/weyne ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in howlgallada ay ahaayeen kuwo amniga lagu sugayey.

Waxa uu sheegay iney soo saareen Miino uu tilmaamay in lagu aasay waddo ay shacabka inta badan maraan, islamarkaana xogta miinadaasi ay ka heleen shacabka.

“Miino gacan ku sameys ah oo ay sameeyeen Nabad diidka ayaan kasoo bixinnay waddo ay bulshada ku badan tahay, shacabka ayaa nala shaqeeyay oo inoo sheegay Miinadaasi, sidoo kalena miinadan waxay noqoneysaa middii Labaad oo Todobaadkan gudahiisa gacanta ku dhigno” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliye Isaaq ayaa sheegay in Booliiska B/weyne aaney ka seexan doonin wax ka qabashada amniga guud ee magaalada, ayna xilli walbo diyaar u yihiin sugista amniga ee magaaladaasi.

Magaalada Baladweyne waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badanayey falal amniga ka dhan ah, waxaana magaaladaasi ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Goobjoog News