U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Cadaado Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Cadaado ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ciidamadooda ka sameeyeen degmadaasi iyo deegaannada ku dhow.

Taliyaha saldhigga Cadaado Cumar Macallin Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay howlgalkaasi ku qabteen Labo gaari oo uu sheegay in amni darro looga shakiyey.

Waxa uu sheegay in Labada gaari mid ka mid ah ahaa gaari weyn oo ay saarnaayeen in ka badan 50 askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in markii ay ogaadeen askartaasi inay yihiin ciidankii xoogga dalka oo dhul baadiye ah ka yimid ay fasaxeen.

Gaariga Labaad ee ciidanka ay qabteen ayuu ku sheegay taliyaha inuu ahaa SURF wadday raashiin iyo Labo qori, wuxuuna sheegay in qoryahaasi ay lahaayeen dad reer baadiye ah islamarkaana caddeymo badan kadib isna ay sii daayeen.

“Ciidamada waxay xog badan ka heleen shacabka, waxaan qabannay Labo gaari, caddeymo kadib waan sii deynay, ciidamada waxay sidoo kale xoojiyeen sugidda amniga cadaado iyo deegaannada ku dhow” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada Booliiska ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka wadeen degmada Cadaado iyo deegaanno kale oo Galmudug ka tirsan.

Goobjoog News