U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Degmada Cadaado Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Sameeyeen Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgal ay ciidamadooda ka sameeyeen degmada Cadaado iyo deegaanno kale oo ku dhow degmadaasi.

Taliye ku xigeenka Booliska degmada Cadaado ee Galmudug Cumar Macallin Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan nin la sheegay in dil uu ka geystay deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud, kaasi oo laga soo qabtay deegaanka Tuulo Sarmaan oo qiyaastii degmada Cadaado dhanka Galbeed kaga beegan 35 Km.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkaan ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo Booliiska ka tirsan, islamarkaana hadda ay ku xireen saldhigga Cadaado.

“Ciidanka Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa ku guuleystay inay soo qabteen nin dil geystay kadib markii aan Saddex jiho ka raadinay, saacado gudaheed ayeey ciidanka soo qabteen” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliye Cumar Macallin ayaa sheegay in ciidanka Booliiska ay soo qabteen Saddex nin oo shacabka Isbaaro u dhiganayey gaar ahaan jidka u galay dad safar ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Booliiska ayaa howlgal aad u ballaaran waxay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan waxay aad u adkeeyeen amniga magaalada Cadaado.

Goobjoog News