U bood dhigaalka

Taliska Booliiska degmada Luuq oo ka warbixiyay howlgalo ay ku bur burinayaan goobaha sharci darada ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee degmada Luuq Gobalka Gedo ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo balaaran oo lagu bur burinaayo goobaha Sharci darada ah ee ka dhisan hareeraha wadooyinka.

Taliyaha saldhiga degmadaasi Diyaad C/qaadir oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in tani ay qeyb ka noqon doonto dib usoo celinta bilicda degmadaasi.

Dhanka kale taliyaha ayaa xusay in dhamaan dadkii laga kiciyay hareeraha wadooyinka la geeyay meelo ay ku shaqeystaan islamarkaana maamulka uu ka warqabo.

Waxaa la arkayaa ciidamada Booliiska oo iyo gaadiidka wax bur buriya oo ku mashquulsan bur burinta goobaha sharci darada ah ee ku yaala wadooyinka Hareerahooda ee degmada Luuq.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wareysi aynu la yeelanay Taliye Diyaad.

Goobjoog News