U bood dhigaalka

Taliska Booliiska gobalka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee gobalka Banaadir ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qarax gaari lagu xeray oo maanta ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Shaqaalaha, wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Banaadir Jeneraal Maxamed Cumar Madaale oo saxaafadda kula hadlay halka ay wax ka dhaceyn ayaa sheegay in qof shacab ah uu halkaasi ku dhintay sidoo kalena qof kale dhaawacmay.

Gaariga ayuu sheegay in uu lahaa qof shacab ah oo deganaa Hotel ku yaala halkaasi, ilaa xalayna gaariga uu goobtaasi yaalay, waxaana dhanka kale uu xusay in ay wadaan baaritaano arintaasi ku aadan.

Qofka gaariga lahaa ayuu tilmaamay in aanu dowladda shaqo ku lahayn, islamarkaana uu yahay wiil dhalinyaro ah, balse ay ogaan doonaan sababta keeni karta in gaarigiisa walxaha qarxa loogu xiro.

Maanta ayaa mar qura la maqlay qarax xoogan, waxaana uu ahaa waxlaha qarxa oo lagu rakibay gaari nooca yar yar ee Soomaalida u taqaano raaxada.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Taliyaha.

Goobjoog News