U bood dhigaalka

Booliiska Gobalka Baay Oo Sheegay In Amniga Gobalka Ay Xaqiijiyeen

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobalka Baay ayaa sheegay in gacan adag lagu qabanayo cid walba oo isku dayday in gobalkaasi ka sameyso falal amniga kasoo horjeeda.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha Ciidanka Booliiska Baay ayaa u sheegay Goobjoog News in lagu guuleystay xaqiijinta amaanka, iyo sidoo kale in gacanta lagu dhigo dad uu sheegay in amniga ay qalqal ku beerayeen.

“Waxaa jira howlgalo ay habeen iyo maalin ay wadaan ciidamada amaanka, waxaan soo qabanay rag badan oo argagaxisada in ay ka mid yihiin u maleynay, waxaan wadnaa baaritaan, amaankana hadda waa mid aad u fiican” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale waxa uu taliyaha ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Baay, gaar ahaan magaalada Baydhaba in ay u istaagaan sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidamada amniga.

Magaalada Baydhaba waxaa ka dhacay falal badan oo amniga kasoo horjeeda, waxaana magaaladaasi lagu dilay culimo iyo dad kale oo shacab ah.

Goobjoog News