U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Wada Shaqeyn Ka Dalbaday Ardayda

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee Puntland ayaa wada shaqeyn ballaaran waxa uu ka dalbaday ardayda wax ka barta iskuullada ku yaalla gobolkaasi gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qaybta booliska gobolka Mudug Cabdullaahi Cabdulle Warsame oo booqasho ku tagey iskuullada ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu ka dalbday ardayda in kaalin weyn ka qaataan nabadda gobolka.

Wuxuu sheegay taliyaha in ardayda ay yihiin kuwa ugu  horreeya ee amniga dan ugu jirto sidoo kalena kaalinta ugu weyn ka qaadan kara sugista amniga gobolka Mudug.

“Ardayda door wanaagsan bay ku leeyihiin amniga, waxaan hubaa haddii aad ciidanka la shaqeysaan oo wixii dhib wada usoo gudbisaan in amniga uu noqonayo mid la isku heleen karo, waxaan idiin ka dalbaneynaa inaad ciidamada amniga xilli walbo gacan siisaan oo aad la shaqeysaan” ayuu yiri taliyaha.

Maamulka Puntland ayaa dadaal ugu jira wax ka qabashada amniga magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Waqooyiga magaaladaasi oo maalmahan dambe amnigeedu faraha kasii baxayey.

Goobjoog News