U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Magaalada Baydhaba Oo Sheegay In Ay Qabteyn Gaadiid Iyo Dad Lala Xiriirinayo Al-shabaab (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Taliyaha ciidamada Booliiska ee Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay soo qabteen Rag lala xiriirinaayo Al-shabaab iyo gaadiid ay wateen.

Wixii ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhaba ayaa ciidamada waxay bilaabeen howlgalo ay ku doonayaan in amniga guud wax looga qabto, waxaana howlgalkaasi la sheegay in uu ahaa mid wadooyinka iyo xaafadaha laga sameynayay.

Mukhtaar Dubadow oo ah taliyaha ciidamada Booliiska ee Magaalada Baydhaba ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in ciidamada la geliyay heegan buuxa islamarkaana lasoo qabanayo cid walba oo laga shakiyo.

“Waxaan haynaa Gaadiid iyo Rag watay oo Al-shabaab lagu tuhmay, howlgalka waa uu socdaa ciidamadana waxay yihiin kuwo habeen iyo maalin heegan ku jira, dadka la hayo wixii dambi lagu waayo waa lasii deyn” ayuu yiri Taliyaha.

Amaanka magaalada Baydhaba ayaa qal qalgalay wixii ka dambeeyay qaraxyo Ismiidaamin ah oo halkaasi ka dhacay, kuwaa oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News