U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Nugaal oo Diray Digniin Dhanka Amniga ah

Sheeko:Amniga

Taliska Booliiska gobolka Nugaal ayaa maanta kulan looga hadlayay amniga caasimadda Puntland ee Garawe waxaa ay ku yeesheen magaalada, waxaana gabagabadii kulanka kadib la hadlay warbaahinta taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay u diyaar garoobeen sugidda amniga, xilli ay soo dhowdahay maalmaha Ciidul Fidriga oo ay naga xigaan maalmo, waxaana taliyaha uu fariin u diray waalidiinta caruurta u iibisa alaabaha lagu ciyaaro ee waxyeelladu isugu geystaan dhexdooda.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu digniin u diray dadka ku  gaadiidka ka furta Takgada  lagu aqoonsado , waxaana uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii lagu arko falalka nuucaas oo kale ah sida uu hadalka u dhigay taliyaha xilli uu la hadlaayay warbaahinta.

Ciidamada ayaa juhdi badan ku bixiya suggidda amniga xilliyada lagu guda jiro maalmaha ciidaha, maadaama dadku isuguu soo baxaan goobaha goobaha, waxaana ugu dambayn taliyaha uu ka dalbaday shacabka Garowe iyo gobolka Nugaal in si dhow ay ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

Goobjoog News