U bood dhigaalka

Taliska Booliiska oo 3 Maalin Hakiyey Shaqada Bixinta Warqada Dembi La’aanta

Sheeko:Amniga

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa goordhow barteeda Facebooga ku sheegtay in la istaajiyey shaqada ka socotay CID ee la xiriirtay bixinta warqada dembi la’aanta.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dartay in sababta loo hakiyey ay tahay iyada oo laga jawaabayo cabasho ka timid dadka, oo ku saabsan arrinkan, waxaa ay balanqaaday dib u habeyn.

Qoraalka  Zakiya Xuseen Axmed  waxaa uu u qornaa:

“Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno”.

Goobjoog News