U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Puntland Oo Ammar Adag Kasoo Saaray Tahriibka

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa soo saaray ammar cusub oo lagu mamnuucayo dadka tahriibka ah iyo sidoo kale kuwa wax tahriibiya.

Jeneraal Muxudiin, taliyaha ciidamada Booliiska ee Puntland ayaa sheegay in lasoo xiri doono cid walbo oo la ogaado iney gacan siineyso ama ay dad tahriibinayaan.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in Koontaroolkii uu soo gudbo gaari wada dad tahriibiyaal ah la xiri doono askarta joogta halkaasi.

“Dhammaan ciidamada waxaan farayaa maanta laga bilaabo tahriib iney xaaraan tahay, sidii horeyba loo xaaraantameeyey, qofkii qaada, qofkii rara, kan doon ku qaada iyo kan gaari kusoo qaado sharcigaa lala tiigsanayaa, Koontaroolkii lasoo dhaafiyo gaadiid tahriib wada waxaan ammar ku bixinayaa in lasoo xir-xiro dhammaan dadka jooga halkaas” ayuu yiri taliyaha.

Ammarkan ayaa imaanaya xilli magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ku qul-quleen dad badan oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo doonaya iney gaaraan dalka Yemen.

Goobjoog News