U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Somaliland Oo Ka Warbixiyey Xarigga Labo Suxufi Oo Ku Xiran Hargeysa

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee maamulka Somaliland ayaa maanta waxay faah faahin dheeraad ka bixiyeen xarigga Labo Suxufi oo ku xiran magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Somaliland Faysal Xiis ayaa sheegay ugu horreyn in xarriga Agaasimaha Tv-ga Star Maxamed Baashi Xaaji Xasan uu la xiriiro kadib markii uu ku kacay kicin iyo qalqalin dadweyne kana horyimid mashruucii dekadda Berbera waa sida uu Afhayeenka yiri.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in sidoo kale markii la qabanayey agaasimaha uu ku howlanaa qeybinta warqado uu sheegay in la doonayey in lagu kiciyo shacabka Somaliland, sidaasi darteedna ay cadaaladda horkeeni doonaan.

Dhanka kale Afhayeenka Booliiska Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xarigga Wariye Cabdi Maalik Yuusuf Coldoon, waxaana afhayeenka uu sheegay in aanu coldoon u aqoonsaneen Suxufi oo ay u aqoonsan yihiin qaran dumis.

“Cabdi Maalik Coldoon annaga suxufi uma naqaan, waa nin qaran Dumis ah, waxaa la hayaa caddeymo badan oo baraha bulshada ku jira, cadaaladda ayaana la horgeynayaa” ayuu yiri Faysal Xiis.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in si shuruud la’aan ah ay xorriyadooda loogu soo celiyo wariyeyaasha ku xiran Hargeysa.

Goobjoog News