U bood dhigaalka

Taliska Booliska Baladweyne oo Soo Saaray Miino lagu Aasay Suuqa Magaaladaasi

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiraan ayaa ku soo waramaya in Ciidamada Booliska magaalad Baladweyne ay Fashiliyeen Miino nuuca dhulka lagaliyo ah oo lagu aasay xaafada Katirsan ee Magaaladaasi.

Sarakiisha ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in ku guuleyseen  in ay soo saaraan Miinadaas oo lagu aasay Agagaarka shirkadda  Dahabshiil ee Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Inta uu socday howlgalka lagu soo saarayay Miinada ayaa waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee Xaafadaas, balse markii uu soo dhamaaday howlgalka dib ayaa loo furay isku socodka  dadka iyo gaadiidka.

Saraakiisha Booliska ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay tilmaameen in Miinada la damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka iyo ganacsatada  ku dhaqan Xaafadda Kooshin, hayeeshee laga hortegay miinadaasi.

Goobjoog News