U bood dhigaalka

Taliska Booliska Boosaaso Oo Qaad Ku Gubay Magaaladaasi

Sheeko:Amniga

Taliska booliska ee magaalada Boosaaso ayaa waxa ay xalay gudaha magaaladaasi ku gubeen qaad aad u fara badan oo lagu kala iibsanayay magaalada, waxaana boolisku ay sheegeen in qaadka ay gubeen uu ahaa mid si sharci darro ah loo soo galiyay deegaanada maamulka Puntland.

Booliska Boosaaso oo hawlgallo kala duwan ka sameynayay xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi ayaa qaadkaan gacanta ku soo dhigay, waxa ayna ku gubeen meel fagaaro ah iyaga oona digniin u jeediyay dadkii lagu qabtay in ay qaadkaasi iibinayeen.

Saraakiisha booliska waxa ay sheegeen in ay fulinayaan awaamiirtii ka soo baxday madaxda dowlad goboleedka Puntland ee ku aadanayd in deegaanada maamulkaasi aan marnaba la keeni Karin qaad inta laga hortagayo xanuunka Coronavirus.

Waxaana magaalada Boosaaso ay sidoo kale ciidanka booliska ka sameeyeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xilli saacadihii la soo dhaafay amniga magaaladaasi u noqday mid faraha ka sii baxay.

 

Goobjoog News