U bood dhigaalka

Taliska Booliska Degmada Balanballe Oo Gacanta Ku Dhigay Koox Burcad Ah

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay in gaadiid ay kala soo baxsadeen Maamulka degmada Shilaabo ee Ismaamulka Soomaali Galbeed.

Taliyaha Booliiska ee degmadan Cabdi Muuse Cali ayaa sheegay in gaadiidkan ay dib ugu celin doonaan maamulka deegaanka Shilaabo.

Cabdi Muuse ayaa ka digay isku dayga falalka burcadnimada ah isaga oo tilmaamay in arrimahaasi uusan Maamulka Galmudug raali ka aheyn.

“Qalalaasuhu marka uu dilaacay ayaa qof walba waxaa uu gacanta ku dhigay wixii ay gaartay, dad ka tirsan Kilinka Shanaad ayaa nala soo hadlay annagana waxaa aan u ballanqaadnay in aan u soo celin doonno gaadiidka laga soo dhacay, waxaa aan ka digtoonahanay falalkan la xiriira dhaca marabno dad xaqooti ah oo naf nalagula soo cararay xoolahooda in aan dhibnana marabno”.

Waxaa deegannadda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka dhacay todobaadyadii la soo dhaafay rabshado geystay khasaare naf iyo Maalba leh, waxaana inta badan la boobay hantidii taalay deegaanka iyaga oo dadka qaarna u soo qaxay deegaannada Puntland iyo Somaliland.

Goobjoog News