U bood dhigaalka

Taliska Booliska Galmudug Oo Amarro Adag Soo Saaray

Sheeko:Amniga

Taliska booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa ay soo saaree amarro adag oo ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan degaanada maamulka Galmudug, kaasi oo ku aaddan hubka sharci darrada ah.

Warkan ka soo baxay booliska Galmudug ayaa waxa uu farayaa ciidanka maamulkaasi in ay la wareegi karaan haddii ay gacanta ku dhigaan hub sharci darro ah oo deeganada Galmudug lagu dhex wato, waxaana qofka hubkaasi lagu qabto uu muteysan doonaa xarig aan ka soo laabasho lahyn oo ah muddo saddex bilood ah, sida ay sheegeen saraakiisha booliska maamulkaasi.

Taliyaha Booliiska Qaybta Guud ee Galgaduud G/Sare Maxamuud Maxamed Jaamac , Taliyaha Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb Burhaan Axmed Roble , Guddoomiye ku xiggeenka Amniga iyo Siyaasadda Dhuusamareeb Abdi xaashi oo ay wehliyaan taliyeyaasha Degmooyinka Ku xeeran Caasimadda sida Taliyaasha Booliiska Xeraale iyo Balamballe ayaa kormeer amarkaan la xiriira iyo ogeysiin Ku soo marey Deegaanada , Mareergur, Shimbiraale , Tagaabeeye iyo Mirig, si loo dhaqan geliyo.

Horey deegaanada Galmudug waxaa caadi ka ahaa in dadka shacabka ah ay magaalooyinka ku dhex wataan hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana amarkan uu si gaara u saameyn doonaa dadka xoola dhaqatada ah oo mararka qaar hubkooda la soo gala magaalooyinka.

Goobjoog News