U bood dhigaalka

Taliska Booliska Gobalka Banaadir Oo Ciidamamada Ammaanka Faray Iney Heegan Galaan

Sheeko:Amniga

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa soo saaray amar saameynaya Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka, Saraakiisha maamusha Kontoroolada Magaalada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Saadaq Joon ayaa amray ku siiyay Taliyeyaasha Saldhigyada Degmooyinka inay heegan buuxa galaan inta lagu guda jiro maalmaha farxada ee Ciidul Fidriga, sidoo wuxuu Saadaq Joon amar ku siiyay Saraakiisha maamusha baraha Kontorool ee caadiga ah iyo kuwa guur guura inay adkeeyaan ammaanka, islamarkaana si miirqab leh u baaraan Gaadiidka raaxada ah.

Guuddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo fulinaya amarka  Taliye Saadaq Joon ayaa dhankiisa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ku amray inay kordhiyaan shaqada dhanka amniga ah maalmaha lagu guda jiro Munaasabadda Ciidul Fidriga, iyaga oo kaashanaya Guddoomiye kuxigeenada iyo Waaxeedyada.

Guddoomiye Waaxeedyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu amray inay sameeyaan kormeer dhanka amniga ah, islamarkaana soo gudbiyaan goobaha amni darada lagu abaabulayo iyo hadii ay dareemaan falal lidi ku amniga.

Sababta sidan loo sameynayo  ayaa lagu sheegay inay tahay baqdin ku aadan in  maalmaha ciida  la ilaaliyo inay dhacaan falal lid ku ah ammaanka ama ay weeraro laga  fuliyo goobaha ay isugu imaanayaan shacabka u dabaal dagaya Munaasabadda Ciidul Fidriga.

Goobjoog News