U bood dhigaalka

Taliska Booliska Hirshabeelle oo Lagu Wareejiyey Agab Ciidan

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada Booliska Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan ayaa kala wareegay agab ciidan Taliyaha Booliska AMISOM ee deegaannada Hirshabeelle.

Munaasabadda agabkaasi uu kula wareegaayay Taliska ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay taliyaha Booliska AMISOM ee deegaannada Hirshabeele,isagoo sheegay in agabkaan ay ugu talagaleen ciidamada Booliska Hirshabeelle,waxayna ka kooban yihiin Budad,Qalmaan, Buugaag iyo waxyaabo kale oo muhiim u ah howlaha Booliska.

Agabkan ayaa hadda waxaa  ku howlgalaya saldhigyada Booliska degmooyinka Jowhar,Balcad,Warshiikh iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeelle Dhexe,isagoo sheegay in kuwa kalena dhawaan ay soo gaarsiin doonaan.

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisow Xasan ayaa uga mahadceliyay AMISOM agabkan ay soo gaarsiiyeen,wuxuuna hadalkiisa intaasi raaciyay in howlaha Booliska ay meel wanaagsan marayaan,islamarkaana dufcadii seddexaad dhawaan tababar loo soo xiri doono.

Goobjoog News