U bood dhigaalka

Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Nabadgalyada Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliyaha booliska  federaalka Jeneraal Bashiir Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa ka warramay dhibaatooyin amni darro oo caasimadda ku soo kordhay maalmahani.

Wuxuu  faahfaahin ka bixiyay dadaallo uu sheegay in ciidamada ammaanku ay kaga horgayaan weerarro dilal u badan oo ka dhacayay maalmahani magaalada Muqdisho.

Taliye Bashir waxaa kale uu sheegay  in meel walba oo magaalada kamid ah ay joogaan Booliska, arrintaas iminka aan jirin.

Waxaa uu soo hadal qaaday ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in laamaha ammaanku ay wadaan dadaallo iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga caasimaddani.

Isagoo intaas ku daray in shacabka magaalada laga doonayo in ciidamada ay kala shaqeeyaan nabadgalyada sidii loo xaqiijin lahaa.

Hadalka taliyaha booliska Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmaya xilli amaanka magaalada Muqdisho su’aallo la iska waydiinayo, kaddib markii silsilado dilal qorsheysan ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen, oo uu ugu dambeeyay mid lagu khaariyay Gabar Ardayad ah shalay subax.

HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News