U bood dhigaalka

Taliska Booliska Sh/Hoose oo Sheegey in ay Hanan Waayeen Amnigii Marka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MarkaTaliyaha ciidamada Booliska gobolka Shabeelada Hoose Cabdinuur Isaa ayaa Goobjoog u sheegey in amnigii magaalada Marka uu faraha ka baxayo amnigii magaalada Marka , halkaasi oo uu sheegey in ay ku suganyihiin kooxo kale duwan oo hubeysan.

Wuxuu sheegey in dagaalyahano Alshabaab ah ay dhinac kaga suganyihiin, dhinac kalana ay kaga suganyihiin maleeshiyo beeleedyo hubeysan oo aanan jirin cid ay hoos tagaan, labadaasi oo is biirsadayna ay sii xumeynayaan amniga magaalada.

Mar uu ka hadlayay toogasho halkaasi ka dhacday oo ay dad rayid ah ku dhinteen, ayuu sheegey in illaa 2 qof ay dhinteen, qofna uu dhaawacmey kadib rasaas ay fureen ciidamada AMISOM.

Wuxuu sheegey in AMISOM ay marar badan kala hadleen waxyeelaha shacabka, balse ay AMISOM sheegtey in aysan shacabka waxyeelo gaarsiineynin haddii aysan wax dhibaato ah oga iman dad shacabka kusoo dhex dhuumanaya.

Mar kale ooh ore ayay dad shacab ah ku dhinteen rasaas ay rideen ciidamada AMISOM, waxaana arrimahani loo tiirinayaa amnigii magaalada oo wali dowladda hanan la’dahay, iyo maamulkii magaalada oo xasili la’ xili ay jireen dagaalo u dhaxeeya qabaa’ilka.

Dhageyso

 

 

Goobjoog News