U bood dhigaalka

Taliska Booliska Soomaaliya oo Xabsiga Dhigay Askari Xalay 2 Qof Ku Dilay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay dable booliis Xasan Aadan xasan kaas oo xalay degmada Boondheere ee gobalka Banaadir ku dilay labo qof oo shacab ahayd.

Dilka marxuumiintaas ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ka dhaga adeekeen dadka geeriyooday inay guryahooda ku xaroodaan iyaga oo markaasi ku andacoonayay inay joogaan bannaanka guryahooda, waxaana intaas ka dib rasaas uu furay dable booliis Xasan Aadan Xasan ay sababtay geerida Allaha uwada naxariistee Xasan Cali Cadaawe oo 24 jir ahaa iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17-jir ahayd.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi geeriyooday xalay lagu dilay hoygooda inkastoo dhacdadaasi ay ka soo kala baxayaan warar kala duwan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in bandowgii saarnaa magaalada laga soo hormariyay waqtigiisa bilawga bisha barakeysan ee ramadaan waxaana ay tilmaamtay in bandowgu uu bilaaban doono 7:00 fiidnimo taas oo dadweynaha ku dhaqan Muqdisho ay walaac xoog leh ka muujiyeen.

Waxaa isi soo taraya dhaliilaha loo jeedinayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan go’aanka ay waqtigiisa uga soo hormariyeen bandowga xilli la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan oo maanta 2 ah.

Xalay waxaa shacabka ku dhaqan degmada Boondheere ay dhigeen dibadbaxyo ay uga soo hor jeedeen dhacdadii ay ku waayeen Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi oo degmadaasi degannaa.

Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadan doonto dowladda Soomaaliya xilli shacabku ay aad uga xumaadeen bandowga fiidkii ah iyo bisha ramadaan oo ay dowladdu isku soo beegtay.

Goobjoog News