U bood dhigaalka

Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo Faah faahin Ka Bixiyay Qarax Lagu Fashiliyay Muqdisho

Sheeko:Amniga
Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo qof oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.
Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.

“ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

sidoo kale Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay.

Goobjoog News