U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Africa Ee Mareykanka Oo Qiray In Duqeymo Dhinaca Cirka Ah Ay Ku Dileen Dad Shacab Ah.

Sheeko:Dalka

Talisk Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa qiray in duqeyn cirka ah oo sannadkii hore lagu bartilmaameedsanayey kooxda Alshabaab ee Soomaaliya lagu dilay laba qof oo shacab ah waxaana jirta in baaritaan horey loogu sameeyey dhacdadan aan laga gaarin natiijo rasmi ah.

Bishii April 1deedii duqeyn loogu geystay Alshabaab meel u dhaw deegaanka Ceel-Buur ee bartamaha Soomaaliya ayaa lagu ogaaday in ay ku dhinteen laba qof oo shacab ah sida taliska Mareykanka ee Africom ay ku shaacisay shir jaraa’id.

Bishii March 30, 2019 talisku wuxuu ogaaday in natiijadii ka dhalatay duqeyntaas iyo baaritaanno la sameeyey la helay caddeymo muujinaya dhimashada labadaas qof ee rayidka ah. Nasiib-darro natiijada si wanaagsan loolama wadaagin saldhigga taliska Mareykanka ee Africa sida shirkaas jaraa’id lagu sheegay.

Afar ka tirsan dagaalyahannada Alshabaab ayaa duqeyntaas ku dhintay sida warkan lagu sheegay. “Qalad dhacay darteed ayaanan la ogeysiin taliska Mareykanka ee Africa qiimeynta lagu sameeyey duqeyntaas rayidku ku dhinteen sidoo kale ma jirto dad kale oo lala wadaagay sida dalka martida loo yahay iyo congresska,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Africom.

War-bixinnada horu-dhaca ah ee duqeynta dhinaca cirka ah ayaa lagu sheegay in lagu dilay tiro dagaalyahanno Alshabaab ah iyadoo aysan dhicin waxyeello soo gaarta shacabka. Taliyaha Mareykanka ee Africa General Thomas D. Waldhauser ayaa amray in dib loo eego duqeymaha dhanka cirka ah ee Mareykanku ka geystay Soomaaliya tan iyo sannadkii 217 “Iyadoo ay jiraan kororka duqeymaha dhanka cirka ah ee Mareykanka iyo sida ay Amnesty International u daneyneyso waxyeellada shacabka kasoo gaartay duqeymahaas ayaa keenay in dib loo eego weerraradaas” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliyaha Africa ee dalka Mareykanka.

Tan iyo bishii June ee sannadkii 2017 Africom waxay ka fulisay Soomaaliya 110 weerar oo dhinaca cirka ah iyadoo lagu dilay in ka badan 800 oo argagixiso sida lagu sheegay warbixin talisku shaaciyey iyadoo aysan jirin dhibaato soo gaartay dadka shacabka ah.