U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Miltariga Jabuuti Oo Iska Fogeeyay In Ay Eedeeyeen Ciidamada Itoobiya Ee Ku Sugan Hiiraan

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidamada Milatariga dalka Jabuuti ayaa iska fogeeyey warar sheegaya in Jabuuti ay ku eedeysay Ethiopia iney ka joogaan Soomaaliya ciidamado qarsoodi ah kuwaas oo jooga gobolka Hiiraan, iyadoo hadalkani kasoo baxay ciidamada dalka Jabuti uu ka hor imaanayo warar dhawaan saxaafadu ay sheegtay.

Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti Jeneral Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa ku tilaamay wararkaas kuwo been ah, wuxuuna intaas ku daray in saraakiishiisu aysan wax hadal ah oo rasmi aysan kasoo bixin eedeymahaasna ay yihiin kuwo aan sal lahayn.

“Hadaladani waa kuwo been ah oo aan ka turjumeyn siyaasadda Jabuti ee ku dhisan derisnimo, dhaqan soo-jireen ah iyo iskaashi aan la leenahay dowladda Ethiopia ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada dalka Jabuti isagoo intaas ku daray in eedeymahaas aysan ka imaan wasaaradda gaashaandhiga iyo weliba hogaanka militeriga dalka Jabuti.

Zakaria Sheikh Ibrahim isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri “waxaan idiin sheegeynaa in tan iyo markii ciidamada Jabuti la geeyey Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan labada ciidan si wanaagsan ayey u wada shaqeeyeen iyagoo la wadaagay farxad iyo dhibaato dadka Soomaaliyeed”

“Waxaa la doonayaa in Eedeymahaan sumcadda nalooga dilo, waxaa loola jeedaa oo keliya in laga dhex abuuro ciidamada labada dal cuqdad islamarkaana la fashiliyo geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 4-aad halkaas oo aan ku diyaarineyno sidii aan u dhisi lahayn dowlad goboleed ay gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe yeeshaan” ayuu yiri Jeneral Ibrahim.

Waxay ahayd Todobaad ka hor markii Colonel Abdirahman Abdi Dimbil oo ah taliyaha ciidamada qeybta 4-aad uu walaac ka muujiyey ciidamo Ethiopian ah oo jooga gobolka Hiiraan, kuwaas oo si iskood ah oo ka madaxbanaan Amisom u sameeyaan hawlgalo wuxuuna xusay in ay ka amar qaataan Addisababa halkii ay ka amar qaadan lahaayeen taliyaasha Amisom.

Goobjoog News