U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Oo Ka hadlay Weerarka Al-shabaab Ee Bariire

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka ah ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalkii saaka ay Al-shabaab ku soo qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose.

Genral Sheegow Axmed Cali oo ah Taliyaha guutada labaatanaad “20” ee Ciidamada Xoogga Dalka la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay hadda gacanta ku hayaan deegaanka “Shabaab deegaanka Bariire waa nasoo weerareen, deegaanka Bariire innaga ayaa heysanno”.

General Sheegow Axmed Cali  waxaa uu intaasi ku darayaa “Aagga 1aad,  18-baa uga dhimatay, 3 gaari oo haleysan oo meesha yaaley ayey qaateen” isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in halkaasi uu gurmad u tagay taliyaha xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhinac kale, Afhayeen u hadlay xarakadan ayaa intaa ku daray in 17 askari ka dileen ciidamada xoogga dalka, iyaga oo qaatay hub iyo saanad kale.

Ma aha markii ugu horeysay ee Al-shabaab ay weerar ku qaadaan xeryaha ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka baxsan caasimadda, waa weerarkii 3aad muddo sadex todobaad ah.

Goobjoog News