U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Asluubta oo Dayactirya Goobihii Xanaada Agoonta Ciidanka

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in agoonta ciidanka dib loogu dhiso goobo lagu xanaaneyn jiray ee Lafooole ee dowladdii kacaanku dhistay.

Gaashaanle sare Cismaan Wrsame Rooti, oo ah madaxa hoggaanka agoonta iyo danyarta ee ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in dadkii qurbajoogta ahaa ee halkaan lagu barbaariyay ee hadda dibadda jooga looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidiii loo dhisi lahaa xaruntan.

“Waxaan soo booqannay xarunta agoonta lafoole ee wiilasha oo ka kooban dhisme 2,000 qof qaadaysa, waxaa xaruntaan gacanta ku hayey oo badbaadiyay ciidanka Asluubta, Allah u naxariistee Janaraal Cabduqaadir Owliyo oo ku geeriyooday ilaa haddana waxaa gacanta ku haayo ciidama Asluubta Soomaaliyeed”.

Gaashaanlaha  oo warkiisa siiwato ayaa sheegay in maalmahan ay wadaan qorshe dib loogu dhisayo xaruntaan oo ay ka qeyb qaadanayaan agoontii ku barbaartay waxna ku baratay oo hadda dalka dibaddiisa jira iyo ciidamada Asluubta.

“Waxaan baryahan ku jirnaa qabanqaabo, annaga iyo dhalintii ka baxday xarumahaan iyo xarumaha dalka oo dhan, waxaan codsaneynaa in xarumahaan dayactir loo helo si loo baddbaadiyo agoon badan oo dalka ku dayacan, sidaa darteed waxaan maanta boonay xaruntii oo dhan oo maanta u baahan dayactir guud ahaan”

Dhanka kale caruurta ay ciidamada Asluubta ay xanaaneeyaan ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa ah kuwa ku sugan dagmada Afgooye gaar ahaan iskuulkii kacaanka, halkaas oo ay ku sugan yihiin caruur badan oo agoon ah iyo kuwo dan yar ah.

Faadumo Maxamed Jimcaale waa maamulaha iskuulkaan waxa ayna ka hadlaysaa sida ay dib u dhis ay ugu baahan yihiin xarumihii lagu xanaaneyn jiray caruurta agoonta aha iyo kuwa danyarta ah.

“ Ujeedo kasto iyo dadaal kasto oo loo soo maray maanta wuu badbaaday College-kan, ujeedkii aabaheen Maxamed Siyaad  uu u aas-aasay ayaa waxa ay aheyd in lagu xanaaneeyo caruurta  agoonta ah iyo kuwa danyarta ah, waxaad aragtaan inay dib ushaqeeyeen u jeedkii loo aas aasayna ay qabanayaan indhahana aad ku aragtaan”

Ugu dambeyntii, taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ayaa Shaqadiisa ay qeyb ka ka tahay ilaalinta aqlaaqda dadka ayaa waxa ayaa waxa uu sheegay in lagu dadaalayo sidii loo dhisi lahaa xarumahaan lagu xanaaneeyo caruurta, waxa ayna u baahan yihiin dhul waasac ah kaas ka qeyb qaata xanaanda iyo fayo qabka caruurta.

Goobjoog News