U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Ciidamo Ku Wareejiyey Koonfur Galbeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan Booliska Gaarka ah oo horay maamulka uusan u laheyn kuwaas oo dhwaanahaan  Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tabareysay Muqdisho.

Munaasabad Ciidamadaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ku sugnaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo madax kale ,waxaana Ciidamadaas loogu talo sugida amniga deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana la filaayaa in maanta wixii ka dambeeyo ay u wareegaan DGKG

Madaxweynaha dowlad goboledka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay fuliyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah  Al-Shabaab waxaa uu sheegay in Ciidamadaan ay sigaar ah uga howlgelayaan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana uu Ciidamada iyo saraakiishooda uu ugu baaqay inay si wanaagsan Shacabka ula dhaqmaan waxaan uu yiri.
“Dad dhalinyaro ah oo soo tababartay oo tababr fiican soo qaatay oo deegannadooda u soo tababartay in ay wax u qabtaan ayaa tihiin, waxaad jeceshihiin in la idiin howlgeliyo xarumihii la idinka soo qoray aad tagtaan oo annagana aan jeceleen maanta ayey diyaar tahay sida ugu dhaqsiyaha badan waan u baxaynaa waa la diyaar garoobaayaa”

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamadaan ay yihiin kuwo niyad wanaagsan oo u diyaar ah howlgallo,isaga oo sirasmi ah ugu wareejiyay dodlad goboleedka  Koonfur Galbeed waxaana uu yiri.

” Ciidan uruursan oo sidaas u joogay xaruntooda in muddo ah waaye waxaan ku amaanaya taliyihii gacanta ku haayey in sida uu kuu sheegayo ay ka dhab tahay, ciidan howlgal u diaar ah niyad wanaagsan soo shaqo tagay oo u baahnaa in ay dhaqaaqaan oo howlgaan u baahan waaye oo dhalinyaro ah samir iyo dulqaadna muujiyey intii loo maqnaa waxaan ku talo galnay maanta in ciidankaan mas,uuliyadiisii aan ku wareejino maamuka Koonfur Galbeed”

Cabdullaahi Xaamud wasiirudowlaha xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay in si wanaagsan ay u shaqeeyaan waxaana uu xusay in ay heli doonaan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda sida uu hadalka u dhigay.

“Waa inaad howshiinna qabsataan oo nabadda keentaan waa lama huraan, annagana dowlad ahaan dowladd dhexe ama Koonfur Galbeed ha ahaato wixii saacidaad ah oo idiin sameyn karno inaan idiin samayno inaan waa waajib ina saaran adinkana waajibkiina aad ka soo baxdaan annagana aan waajibkeenna aan ka soo baxno”ayuu yiri Xaamud.

 

Goobjoog News