U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Caasimadda oo Ka Digay Ku Xad Gudubka Sharuucda

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka  illaalinta nabad-gelyada wadooyinka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta fiish taraafiko ee degmada shangaani ku soo bandhigay  Cabdi Liibaan cabdi oo 15 jir aan gaarin da’da wadista gadiidka dadweynaha sida uu qabo sharciga gadiidka qodobkiisa gadiidka daweynaha kaasi oo xalay ciidamada ay kusoo qabteen wadada  yugaandha ee loo yaqaano sidoo kale buundo labaad.

Taliyaha Ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyin General Maxamed Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay  in qof ka yar 22 sano uusan wadi Karin gaadiidka dadweynaha marka laga reebo gadiidka gaarka ah islamarkaana uu ka digay inaan lagu aaminin gadiidka dadweynaha qof aanan gaarin heerka  da’da loogu talagalay si loo ilaaliyo masuuliyada ka saaran bulshada.

“ Qof  aanan gaarin 22 sano ma wadi karo gadiidka dadweynaha sida caasiga bii’elka iyo sidoo kale Mooto Bajaajka si loo qaato masuuliyadda dadweynaha raacaya gadiidkaasi, sidaa daraadeed waxaa dhammaan milkiilayaasha gadiidka aan ogeysiineynaa inay nala qaataan si aan sharciga u dhowrno.Ayuu yiri Generaal Maxamed Yuusuf Madaale.

Sidoo kale General Maxamed Yuusuf Madaale waxa uu faray waalidiinta Cabdi liibaan Cabdi inay yimaadan xarunta talista ciidanka illaalda wadooyinka si wax looga weydiiyo arrimaha wiilkooda.

“Waxaan rabnaa inay yimaadaan xarunta taliska ciidanka illaalada nabad-gelyada wadooyinka waalidiinta Cabdi Liibaan Cabdi si aan wax uga weydiino ogaasha in wiilkooda uu yahay darawal ka xeeyo gadiidka dadweynaha .ayuu ku daray Taliyaha .

Udug dambeynta waxa uu Generaal Maxamed Yuusuf Madaale kusoo gabagabeeyay in sidoo kale dadka kala gadanayo gadiidka ay ukala wareejineyso waaxda iibka gadiidka sidaa daraadeed looga baahanyahay inay yimaadaan islamarkaan ay bixiyaan canshuurta dowladda.

Goobjoog News